(Sawirro) Dad careysan oo duq Magaalo gaari ku daba xiray, ka dibna jidadka jiiday

Shacabka magaalo yar oo ku taala dalka Mexico ayaa xafiiskiisa ugu dhacay duqii magaalada isla markaana intay ka soo saareen ayey ku daba xireen gaari iyagoo ka dibna wadooyinka ku jiiday.

Booliiska ayaa markiiba ka soo gaaray Jorge Luis Escandón Hernández, oo la sheegay in dhacdadaasi ay dhaawacyo yar ka soo gaareen, waxaana la xiray 11 qof oo lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen dhacdadaas.

Waa weerarkii labaad oo ay qaadaan dad beeraley ah oo dalbanaya inuu fuliyo ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii ololaha taasoo ahayd in waddooyiinka uu dayactiri doono.

Booliis dheeraad ah ayaa loo daadgureeyay degaankaas oo ku yaalla gobolka Chiapas.

Siyaasiyiinta iyo Maayarada dalka Mexico ayaa waxaa horey u bartilmaameedsan jiray burcadda daroogada ka ganacsata marka ay diidaan in ay kala shaqeeyaan arrimahooda, balse waa mid ku cusub in siyaasiyiin loo weeraro fulinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.

Muuqaal ay duubeen dadkii marayay waddada ayaa muujinaya koox rag ah oo ka soo saaraya xafiiskiisa islamarkana ku qasbaya in gaariga lagu daba xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -